Skip to content

Stay safe in very hot weather

Very hot weather is expected for the next few days. A red heat-health alert (the highest level) is in place for London on Wednesday and Thursday.  

Hot weather can be dangerous and can cause serious illness. Stay safe and look out for others who may be particularly vulnerable to the heat. Read advice on GOV.UK

Cool spaces

There are local cool spaces that are free and open to everyone. Visit them to rest, drink water and stay cool. Find a cool space near you

Access Islington hubs 

North and South Access Islington hubs are closed due to the hot weather. The Central Hub is open for urgent, in-person support, until 4pm today (Wednesday 24 June) but avoid travelling unless it is essential. 

You can still access our services online and you can call us on 020 7527 2000 if you need to speak to someone. 

Doctor's bag icon

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

5 ways to wellbeing in Somali

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

Recording from a local community member, Mohidin from British Somali Community highlighting the 5 ways to wellbeing in Somali language.

Somali audio - 5 ways to wellbeing

Please also share with your loved ones and wider community.

Transcript

Hello/ greetings in local language, my name is Mohidin from the British Somali Community and I will talk to you about how to..

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

Bulshadeena, cudurka faafa wuxuu u ahaa waqti aad u dhib badan. Kadib bilooyin xayiraad iyo kala fogaansho bulsho ay jireen, dhamaanteen waan daallan nahay, qoys iyo asxaabba waan tabnay, waxaan ka walwalsanahay shaqada iyo lacagta, iyo inaan awoodi weynay inaan banaanka u baxno.
Covid-19 wuxuu saameyn weyn ku yeeshay badqabka maskaxeed, jireed iyo shucuureed. Waxaan noqonay kuwo dareemay culeys, jahwareer, hoos u dhac ama cidlo, laakiin waa caadi, kaligaa ma tihid oo waan ka wada guuleysan doonnaa cudurkan faafa.

Waxaa jira shan waxyaabood oo aan dhammaanteen qaban karno si aan u ilaalino badqabkeena:
Marka hore, xiriir sameey. Tan macnaheedu waxa weeye inaad waqti u hesho sidii aad ula xiriiri lahayd saaxiib ama qof reerka ama deriska ah. Dhageyso sida ay yihiin una sheeg sidaad adiguna tahay. Xulo waddo kasta oo kuugu fiican oo ugu ammaan badan inaad la hadasho.
Marka labaad, firfircoonow. Socod fudud aad maalin kasta, carruurta u lugeysii dugsiga, ama jimicsi ku samee guriga.
Tan saddexaad, sii wad waxbarashada. Isku day inaad kariso raashin cusub. Dib u cusboonaysii waxyaabo aad hore u xiisayn jirtay. Iska diiwaangeli koorsadaas.
Tan afraad, wax bixi. U samee wax fiican saaxiib, deris, ama xitaa shisheeye. Qof u mahadceli. Qof u dhoola cadee. Waqtigaaga mutadawacnimo ku bixi ama ka mid noqo koox bulsho.

Ugu dambeyntii, fiiro gaar ah u yeelo wax walba. Ka taxaddar adduunyada hareerahaaga ah! Eeg dabeecadda kugu hareeraysan - ubaxyo qurux badan, shimbiro, geedo.

Xusuusnow in ay caadi tahay inaad u roonaato naftaada! Samee waxyaabo kaa dhigaya mid dhoola cadeeya oo kaa dhigaya inaad dareento wanaag.
Waxaa jira kheyraad badan oo loogu talagalay badqabka oo ku jira websaydhka Good Thinking a ee.

Khadka caawinta ee We Are Islington wuxuu bixiyaa talooyin iyo macluumaad ballaaran. Wac 020 7527 8222 (7 maalmood usbuucii, 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo).

Ama waxaad booqan kartaa weareislington@islington.gov.uk. Ama waxaad warqad u qori kartaa We are Islington, Ground Floor, 222 Upper Street, London N1 1XR.

This message is created and circulated by Islington Council Public Health.

 

Was this information helpful?



Data protection: We will handle your personal information in line with the Data Protection Act 1998 and in accordance with the council’s Fair Processing Notice.