Skip to content

Payment system unavailable on Wednesday 13 August, 9.30am to 3.30pm

You will not be able to make any payments online or by phone on Wednesday 13 August, 9.30am to 3.30pm, while we carry out some important work on our payment system.

This means you won't be able to pay for things like parking permits, parking tickets (PCNs), council tax and rent through our website, automated payment line (020 7527 8000) or customer services number (020 7527 2000).

We are very sorry if this affects you. If you must make a payment, please try to do it on another day if you can or after 3.30pm on Wednesday 13 August.

Doctor's bag icon

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

5 ways to wellbeing in Somali

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

Recording from a local community member, Mohidin from British Somali Community highlighting the 5 ways to wellbeing in Somali language.

Somali audio - 5 ways to wellbeing

Please also share with your loved ones and wider community.

Transcript

Hello/ greetings in local language, my name is Mohidin from the British Somali Community and I will talk to you about how to..

Ilaali ladnaantaada xilliyadan adag

Bulshadeena, cudurka faafa wuxuu u ahaa waqti aad u dhib badan. Kadib bilooyin xayiraad iyo kala fogaansho bulsho ay jireen, dhamaanteen waan daallan nahay, qoys iyo asxaabba waan tabnay, waxaan ka walwalsanahay shaqada iyo lacagta, iyo inaan awoodi weynay inaan banaanka u baxno.
Covid-19 wuxuu saameyn weyn ku yeeshay badqabka maskaxeed, jireed iyo shucuureed. Waxaan noqonay kuwo dareemay culeys, jahwareer, hoos u dhac ama cidlo, laakiin waa caadi, kaligaa ma tihid oo waan ka wada guuleysan doonnaa cudurkan faafa.

Waxaa jira shan waxyaabood oo aan dhammaanteen qaban karno si aan u ilaalino badqabkeena:
Marka hore, xiriir sameey. Tan macnaheedu waxa weeye inaad waqti u hesho sidii aad ula xiriiri lahayd saaxiib ama qof reerka ama deriska ah. Dhageyso sida ay yihiin una sheeg sidaad adiguna tahay. Xulo waddo kasta oo kuugu fiican oo ugu ammaan badan inaad la hadasho.
Marka labaad, firfircoonow. Socod fudud aad maalin kasta, carruurta u lugeysii dugsiga, ama jimicsi ku samee guriga.
Tan saddexaad, sii wad waxbarashada. Isku day inaad kariso raashin cusub. Dib u cusboonaysii waxyaabo aad hore u xiisayn jirtay. Iska diiwaangeli koorsadaas.
Tan afraad, wax bixi. U samee wax fiican saaxiib, deris, ama xitaa shisheeye. Qof u mahadceli. Qof u dhoola cadee. Waqtigaaga mutadawacnimo ku bixi ama ka mid noqo koox bulsho.

Ugu dambeyntii, fiiro gaar ah u yeelo wax walba. Ka taxaddar adduunyada hareerahaaga ah! Eeg dabeecadda kugu hareeraysan - ubaxyo qurux badan, shimbiro, geedo.

Xusuusnow in ay caadi tahay inaad u roonaato naftaada! Samee waxyaabo kaa dhigaya mid dhoola cadeeya oo kaa dhigaya inaad dareento wanaag.
Waxaa jira kheyraad badan oo loogu talagalay badqabka oo ku jira websaydhka Good Thinking a ee.

Khadka caawinta ee We Are Islington wuxuu bixiyaa talooyin iyo macluumaad ballaaran. Wac 020 7527 8222 (7 maalmood usbuucii, 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo).

Ama waxaad booqan kartaa weareislington@islington.gov.uk. Ama waxaad warqad u qori kartaa We are Islington, Ground Floor, 222 Upper Street, London N1 1XR.

This message is created and circulated by Islington Council Public Health.

 

Was this information helpful?



Data protection: We will handle your personal information in line with the Data Protection Act 1998 and in accordance with the council’s Fair Processing Notice.